DHAGEYSO: Wasaarada Waxbarashada Dalka Oo Arin Muhiim Ah Fulineysa

Kulankaan oo looga hadlayey Siyasada iyo Manhajka Waxbarashada Aas aasiga Deg dega ah ayaa ka dhacay magaalada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle.

Wafdi ka socda Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaana halkaasi ka wada Barnaamijkaan hirgelintiisa,taas oo la filayo in lagu baahiyo dhamaan Dawlad Gobolleedyada.

Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta Ee Wasaarada Waxbarashada Dalka Ayaa sheegay in dadka Da’da Waxbarashada ka weynaaday iyo Carruurta Ahmiyad weyn lagu siinayo Sidii goobaha tacliinta u aadi lahaayeen.

Shirkaan oo socon doona Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan talooyin muhiim ah oo ay Wasaarada ku saleyn doonto baahi tirka dhinaca Waxbarasho Ee Gobollada Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author