DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyey Dagaalkii Awdheegle & Bariire

Xaalada degganaan ah ayaa duhurnimadaan ka jirta Deegaanadii lagu dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose maanta oo sabti aheyd gelinkii hore.

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaaday fadhiismo Ciidanka Xoogga Dalka ku lahaayeen Degmada Awdheegle iyo Deegaanka Bariire.

Gaadiid Qaraxyo ka buuxeen ayaa weerarka lagu bilaabay kadibna rasaas ayaa is qabsatay iyadoo khasaaro kala duwan uu ka dhashay Dagaalkaasi labada fadhiisin ka dhacay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo gurmad ahaan uga baxay Muqdisho ayaa isagoo goobta kusugan waxa uu sheegay in laga hortegay Damacii Al Shabaab ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Awdheegle iyo Bariire.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegaya in hub iyo saanado meliteri looga qabsaday Ciidamada Dawlada goobihii lagu dagaalamay,Afhayeenka uhadlay Al shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in 47 Askari ku dileen dagaalkaasi.

Dhanka Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyey Al Shabaab Dagaalkii dhacay,sida uu sheegay Taliyaha Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Warar ay heshay Warbaahinta Nation ayaa sheegaya in Gaari nooho waxyaabaha qarxa ka buuxeen ciidamada xoogga Dalka ay gacanta ku dhigeen kuwaas oo la rabay in ciidamada Gurmadka lagu hor istaago.

Ma heyno faah faahin ka baxsan dhinacyada dagaalamay guulaha ay kala sheeganayaan,iyadoo meydadka qaar dagaalkaasi askartii ku dhintay lagu faafiyey Baraha Bulshada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author