DHAGEYSO: Wararkii udambeeyey Doorashada Soomaaliland & Tirinta oo…

Magaalada Hargeysa ayaa waxa inta badan la gaarsiiyey sanaadiiqda ay ku jiraan warqadihii lagu codeeyey qaarkoodna waaba la tiriyey sida ay sheegeen howlwadeenada.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland C/rashiid Maxamuud (Riyo-raac) ayaa sheegay in weli la sugayo sanaadiiq kale oo deegaano dhowr ah weli laga keenin.

Waxa uu gudoomiyuhu sheegay inay jiraan gaadiid shil galay iyagoo Hargeysa uwaday Sanaadiiqda ay ku jireen warqadaha dadka codka dhiibtay ah.

Hogaanka seddexda Xisbi ee ka jira Soomaaliland ayaa dad wakiilo ka ah ay kusugan yihiin xarunta lagu tirinayo codadka si ay goob joog uga noqdaan xisbi walbo inta uu helay.

Doorashadii Shalay ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa isha lagu hayaa natiijada kasoo baxda,iyadoo kormeerayaasha caalamka ay kor kala socdaan doorashadaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author