Dhageyso: Waare Oo Talo ujeediyey Farmaajo si uu isku bad baadiyo

Maxamed Cabdi Waare oo ah Madaxweynihii hore Ee HirShabelle oo kusugan Dalka Turkiga ayaa ka hadlay Marxalada Soomaaliya gashay iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Xamar ka jira.

Waxa uu Waare kula taliyey Farmaajo inuu xilka iska wareejiyo oo Awood dalka lagu qabsan Karin sida uu warka udhigay.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa Shacabka Maamulada Galmudug & Hirshabelle ugu baaqay inay taageeraan Madaxdooda go’aanada ay qaataan.

Hadalka Waare waxa uu kusoo beegamayaa xilli jah wareer siyaasadeed oo salka ku haya Doorashada weli la dareemayo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidamo iska soo horjeeda gudaha Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author