Dhageyso: Soomaaliya Oo War Cusub Ka Sheegtay Kiiska Badda

Waxaa Galdacwadeeka ka furan Maxkmada ICJ ka maqan sia la ogyahay dalka kenya oo sheeganeysa badeena soomaliya balse soomaliya ayaa tagtay si ay u hesho badeeda.

Iyado taas ay jirto waxaa ka hadlay halka ay mareyso dacwada la xiriirta bada. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Ilaaliyaha guud qaranka  kaasi oo  sheegay in uu si rasmiya u soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dr Sulaymaan, wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayay Soomaaliya ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in wakhtiga uu bilaaban doono wareegga labaad ee dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiskan  ay go’aan ka gaari doonto Maxkamadda ICJ kadibna ku wargelin doonto Wefdiga Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author