DHAGEYSO: Soomaaliya Oo Muddo 30 Sano Kadib Hirgelineysa….

Tan iyo markii la hirgeliyey dib ushaqo bilaabida Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed sanadkii hore 2020-kii waxaa socday dedaalo lagu doonayey in la guda galo shaqadii Hay’adaasi.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa sheegay in 30 sano kadib ay ku rajo weyn yihiin in la hubiyo Alaabaha soo galaya dalka Caafimaad ahaan oo la marin doono Sheybaarka Dawlada.

Waxa uu Maareeyaha sheegay in sidoo kale Dhibaato ka jirtay badeecadaha laga dhoofiyo Soomaaliya waddamo kale lasii marsiin jiray taasna ay taahy mid laga gudbi doono wixii hadda ka dambeeya.

Inta badan Soomaaliya ayaa la sheegaa in sanado badan ay soo galayeen badeecado raashin iyo dawooyin iskugu jiray oo tayadooda aan wanaagsaneyn,qaarkoodna waxyaabo dhacay ayaaba la keeni jiray Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author