Dhageyso: Soomaaliya Oo Digniin Cusub Udirtay Dalalka Deriska

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya C/fitaax Qaasim ayaa waxa uu si kulul uga hadlay khabarkii kasoo baxay Midowga Africa oo ahaa in ciidamada Soomaaliyeed lala socdo dhaq dhaqaaqooda.

Wasiir C/fitaax Qaasim ayaa ku eedeeyey Midowga Africa iyo Dawladaha Deriska qaarkood inay ujilbo xirayaan Shakhsiyaad diidan dawladnimada,isagoo ka hadlay War sidoo kale kasoo yeeray dhawaan Xildhibaano mucaarad ah oo xaafada shiirkole ka hadlayey ciidankana ugu baaqay inay kasoo baxaan Dawlada.

Ilaa hadda lama oga Dawladaha deriska uu Wasiirka sheegay inay diidan yihiin Quwada Ciidanka Xoogga Dalka xilli waayihii dambe arimaha ciidanka Soomaaliya far gaar ah lagu fiiqayey maadaama la sheegay inay galaan gal ku yeesheen Arimaha Siyaasada Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author