Dhageyso: Soomaaliland Oo Saaka ka bilaabatay doorashadii la sugayey

Dadka ayaa goor hore saaka ah safaf dhaadheer ugalay codeynta doorashada Soomaaliland ee golayaasha deegaanka iyo tan Wakiilada,waxaana ciidamada Amniga heegan la geliyey si ay nabad gelyada usugaan.

Kumanaan qof ayaa salaadii subax kadib xaadiray goobaha codadka laga dhiibto,hayeeshee 7-dii iyo daqiiqado ayaa la guda galay codeynta.

Qaar ka mid ah dadka iskusoo baxay si ay doorashada uga qeyb qaataan ayaa ka waramaya dareenkooda ku aadan doorashada iyo sida maanta xaalku yahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

 

193404992 528721395216410 6794898215694098494 N

Goordhaweyd waxaa isgana ka codeeyey Xarunta Hay’ada Shaqaalaha Soomaaliland Ee Hargeysa ku taalla Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyadoo Kormeerayaal caalami ah ay doorashada iyo sida ay usocoto kor kala socdaan.

Hadal kooban ayuu Muuse Biixi saxaafada siiyey kadib markii uu codka soo dhiibtay dadkana ugu baaqay inay si dimoqraadiyad leh doorashada uga qeyb qaataan.

Inkabadan Hal milyan qof ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadaasi.

You might also like More from author