DHAGEYSO: Siciid Deni “Farmaajo haloo caqli celiyo”

Kadib Shirkii fashilmay Ee Ka socday Teendhada Afisiyooni waxaa soo baxaya eedo la isku jeedinayo dhinacyada ka qeyb galay Wada hadaladaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo mid doonaya waxyaabo aan lagu qanci Karin sanduleysna kaga dhigayo doorasho hal dhinac uu dalka ka qabto.

Deni ayaa sheegay in markii hore soo jeediyeen wada hadalada in Beesha Caalamka garwadeen ka noqoto ama ugu yaqaan shirka goob joog ka ahaadaan balse taasi ay iska diideen,si Soomaalida xal ugaartana iyaga la isku madax banaaneeyey.

Hogaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyey in Madaxweyne Farmaajo talooyin lagu bad baadinayo Dalka lala wadaago,islamarkaana awooda uu ku faanayo waddanka ay dhibaato uhorseedi karto,hadii sida ay wax usocdaan wax iska bedelin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

 

You might also like More from author