DHAGEYSO: Saraakiil Katirsaneyd Kumaandoosta Soomaaliya Oo isku dhiibay Soomaaliland

Sida uu baahiyey Tv-ga Soomaaliland waxaa galabta lasoo bandhigay Afar xubnood oo sheegay inay ka goosteen ciidamada gor gor iyo Danab Xoogga Soomaaliya.

Magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey Saraakiishaasi.

Xubnaha ka goostay Dawlada Federaalka ayaa waxay ka warbixiyeen goobaha ay ka howlgalayeen iyo darajooyinka ay ciidanka ka gaareen.

Abaan duulaha ciidanka Soomaaliland C/risaaq Siciid Af guduud oo hadlay waxa uu sheegay in ay cafis ufidiyeen saraakiisha isa soo dhiibtay.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Taliska Xoogga Soomaaliya oo looga hadlayo Arinta Saraakiishaasi isku dhiibtay Soomaaliland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author