DHAGEYSO: Rooble Oo xiriir la sameeyey Deni & Madoobe Kadibna…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga  Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka.

Sida uu shaaciyey Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa shirkaan uu dhici doonaa 20ka bishan May kaasi oo ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho.

Waxa sababta muddo Seddex Todobaad kadib ah Shirkaan looga dhigay ayuu Macalimuu ku sheegay inay tahay iyadoo Taajudkii tukashadiisa Tobanka Dambe Ramadaan iyo Maalmaha Ciida ay nagu soo wajahan awgeed dib loogu dhigay shirkaasi.

Macalimuu ayaa sheegay in shirkaan ka rajeynayaan inuu noqdo mid Soomaalida Doorasho wadar ogol ku tahay kasoo baxdo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author