DHAGEYSO: Rooble Oo Amray in ciidamada Mushaarkooda La Kordhiyo

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo khudbad ka jeediyey kulankaasi waxa uu sheegay inay kordhi doonaan Mushaaraadka ciidamada Booliska taas oo qorshaheeda Ra’iisal wasaare Rooble meel gaba gabo ah marsiinayo.

Wasiir Xundubeey ayaa kaga mahad celiyey doorka ciidamada Boolisku ku lahaayeen baajintii dagaal ka dhaca Muqdisho xilligii Ciidamada la baxay bad baado qaran kusugnaayeen Caasimada.

Lama oga waxa isku soo beegay in RW Rooble uu lacago uqoondeeyo ciidanka si mushaarkooda loogu kabo iyo Qoraalkii dhawaan uu soo dhigay Facebook Wasiir Beyle oo isagu dalbanayey in akoono uu soo bandhigay lacago loogu yabooho ciidanka Qaranka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author