Dhageyso: Ra’iisal Wasaare Rooble oo la wareegay Awoodii Doorashada

Wasiirka Koobaad Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulamo la qaatay madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Xubno katirsan Midowga Murashaxiinta.

Kulankan ayaa looga arrinsanayey xoojinta nabadda iyo xasiloonida caasimadda dalka Ee Muqdisho, kadib Qalalaasihii ka dhacay maalmihii u danbeeyey magaalada.

Shirka oo sidoo kale lagu soo hadal qaaday Arimaha Doorashooyinka iyo dhameynta Xasaradaha ka dhashay Ismari waagii taagnaa ayaa lagu ballamay in laga qeyb qaato jid sax ah oo doorashada lagu aado.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta C/Raxmaan yuusuf Al cadaala ayaa sheegay kulanka kadib isagoo warbaahinta la hadlay in la isku afgartay dib ugu laabashada sidii loo dhaqan gelin lahaa Heshiiskii 17 September Ee Doorashada la isku waafaqay,balse Xasiloonida Xamar in laga shaqeeyo ay ugu horeyn muhiim tahay.

Kulankaan ayaa kusoo beegamaya xilli Jah wareer Siyaasadeed iyo mid Amni laga dareemay Todobaadkaan Muqdisho oo meelaha qaar isku dhacyo hubeysan Ciidamada Dawlada iyo Askar Ka gadooday Muddo kordhinta ay isku fara saareen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author