DHAGEYSO: Qoor qoor “Marnaba Ma Aqbali karo Muddo Kordhin Dalka Ah”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka hadlay Marxalada kala guurka ah uu waddanka ku jiro iyo fashilka ku yimid shirkii isbuuc ka hor Afisiyooni kusoo geba gaboobay.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in marnaba uusan ogolaan doonin muddo kordhin ay sameysato Dawlada Dhexe iyadoo Doorasho dalka muqadas tahay in la qabto,sida uu hadalka udhigay.

Axmed Qoor qoor ayaa sidoo kale ka hadlay Doorka Beesha Caalamka ay ku leedahay udiyaar garoowga Doorasho ka dhacda Soomaaliya isagoo hoos udhigay wararka sheegaya in Awood gaar ah saaxiibada caalamka ku leeyihiin Doorasho dhinac ka raran oo dalka ka dhacda.

Waxa uu kaga mahad celiyey Beesha Caalamka sida ay Soomaaliya ugarab istaageen,xaaladihii Adkaa iyagoo dhinaca farsamada ka caawinaya qabashada Doorasho dalka ka qabsoonta.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author