Dhageyso: Qodob Muhiim Ah oo dastuurka dalka lagu soo kordhinayo

Shirkaan oo looga hadlayey Xuquuqda Qofku leeyahay iyo waxa loo baahan yahay in lagu ixtiraamo ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaas oo mas’uuliyiin katirsan dawlada ka qeyb galeen.

Kulanka ayaa waxa la sheegay in lagu falan qeeyey tacadiyada bini’aadanimada ah eek a dhaca dalkeena iyo sida loo baahan in looga sariigto.

Agaasimaha guud Ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Soomaaliya Isxaaq Xaashi Jimcaale ayaa sheegay in Dawladu wado qorshe ay ku dooneyso inay ku kordhiso Dastuurka dalka Qodob qofka usahli kara in Xaqiisa helo aana saameyn ku yeelanin arimaha Bini’aadanimada ka baxsan.

Tacadiyada Jinsiga,tan qofka la duudsiiyo wixii uu shaqeysto iyo Dhibaatooyin kale oo nafsiyan dadka soo gaara ayaa jira balse hadii qodobkaan lagu daro qabyo qoraalka dastuurka lana ansixiyo uu wax badan iska bedeli doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author