DHAGEYSO: Qatar Oo Heshiis dhex dhigtay Dalalka Kenya & Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, wuxuuna sharraxay sababta.

Al-Caddaalada ayaa sheegay in “laba dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiida is ixtiraamka iyo madaxbannaanida dhuleed, faro galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha”.

Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, ayaa dadaal ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka.

Hase yeeshee dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay Dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay joojisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee waddanka dariska la ah ee Kenya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author