DHAGEYSO: Puntland Oo Shaqo siineysa Ardayda Jaamacadaha ka baxda

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa faray Wasiirada Shaqada iyo Midka Waxbarashada inay fursado shaqo abuur usameeyaan Ardayda wax baratay.

Si gaar ah Dhalinyarada ka aflaxay Jaamacadaha ku yaalla Puntland ayuu Madaxweyne kuxigeenku dalbaday in Xarumaha Dawlada laga shaqo siiyo.

Inta badan waxaa shaqo la’aan gudaha dalka ku wajahaya kumanaan Arday wax baratay ah kuwaas oo fursad uhelin in wixii ay barteen ku shaqeeyaan,sababo la xiriira in xarumaha qaar qofka aqoontiisa lagu xulan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author