DHAGEYSO: Puntland Oo Gaalkacyo Ka Mamnuucday Ganacsiga Alaab wareejinta

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in Kulan Amniga looga hadlay ay soo saareen Awaamiir Cusub oo Nabad gelyada loogu talo galay in lagu xaqiijiyo.

Seddex Qodob ayaana ugu muhiimsanaa Amarada soo baxay oo ay koow ka tahay in la mamnuucay dadka alaabaha wareejiya ee Gaalkacyo kusuga,iyo kuwa Waratada ku shaqeysta.

Sidoo kale Maamulka Mudug waxay amar ku bixiyeen in la xiro Luuqyada ku yaalla Guryaha Gaalkacyo oo guri walbana Leer uu ku xiro banaanka Gurigiisa.

La Dagaalanka Qolyaha Qamriga Iibiya Gudaha Gaalkacyo ayey Maamulka sheegeen inuu bilaabanayo dhawaan si looga hortego Maandooriyahaasi oo qeyb ka ah Amni darada Gobolka Mudug.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author