DHAGEYSO: Puntland & Jubbaland Oo Beeniyey Warkii Wasiir Dubbe

Kadib markii galabta dawlada Soomaaliya sheegtay inuu shirkii teendhada Afisiyooni ka socon waayey dalkana in doorasho aado diideen Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa ka jawaabay eedaasi Labada Maamul ee la dhaleeceeyey.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayey kasoo saareen warsaxaafadeed kaas oo ay ku sheegeen inaysan ogeyn wax fashilmay oo keliya ka maqleen Wasiirka Warfaafinta Soomalaiya Cusmaan Abokor Dubbe.

Labada Maamul Jubbaland iyo Puntland waxay sheegeen inay kusoo kala tegeen shirkii maanta oo arbaco aheyd in lasoo kala nasto.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xersi (Timacade) ayaa shir jaraa’id uu qabtay isagoo ku hadlayey Afka Jubbaland iyo Puntland waxa uu sheegay in mar kasta udiyaar ahaayeen xal ka gaarista Khilaafka doorashada balse dawlada ay jid kale uweecisey.

Wasiir Timacade waxaa hareera taagnaa markuu shirka jaraa’id qabanayey Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xersi Gaani iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author