DHAGEYSO: Puntland “Duulaanka Ay soo Qaadeyso DFS Waan Ka Feejiganahay”

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay shaqaaqo isbuucii hore ka dhacday Degmada Dhahar Ee Gobolka sanaag oo lagu rasaaseeyey dad banaanbax dhigayey.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawlad Federaalka ay dooneyso carqalad ay ka dhex abuurto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Puntland balse uu sheegay inay taasi ka digtoon yihiin.

Waxa uu c/samad Gallan sheegay in aan la aqbali Karin wax kasta oo keeni kara Amni daro ayna mas’uuliyadaasi qaadeyso Dawlada Dhexe,oo rabta in sidii Muqdisho ay mucaarado uga abaabusho.

Hadalka Wasiirka Amniga Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli cilaaqaat-ka dawlada Dhexe & Puntland uu wanaagsaneyn ayna siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author