DHAGEYSO:- M/weynaha cusub ee Hirshabeelle oo war ay ku farxaan u sheegay Xildhibaanada

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kadib doorashadiisi waxa uu sheegay in haatan xildhibaanda Hir-Shabeelle ay culeys weyn saareen maadaama ay codka kalsoonida siiyeen.

Waxa uu sheegay in isagu uu xilkaan uu u  hayo Shacabka Hir-Shabeelle oo ku kalsooni qaba sada uu hadalka u dhigay.

“Hadii aad maqashaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo xildhibaanada ayaa isku dhacay aniga ayaa dambigaas iskaleh, sababtoo ah rabitaanka xildhibaanada iyo Shacabka Hir-Shabeelle ayaan ku Shaqeyn doonaan ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author