DHAGEYSO: Muuse Biixi “Soomaaliya waan is deynay,ee naga leexda”

Isagoo xalay ka hadlayey Munaasabad ka dhacday Hargeysa lagu maamuusayey 30 guurada markii ay gooni goosadka ku dhawaaqday Soomaaliland ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay sida ay Dawlada Soomaaliya mar kasta udiidan tahay Aqoonsi ay hesho Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay doonayaan si loo kala bad baado ay Madaxda Dawlada Soomaaliya ay joojiyaan Uur xumeynta ay la daba joogaan Soomaaliland sida uu warka udhigay.

Soomaaliland ayaa 30 sano ay sheeganeyso inay Ka madax banaan tahay Soomaaliya aysan helin Aqoonsi Caalami ah,hayeeshee Nabad iyo Maamul wanaag ayaa lagu amaanaa inay sameysteen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author