DHAGEYSO: Muuse Biixi Oo Ka Xumaaday Xasarada Dagaal Ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey Munaasabaad ka dhacday Maanta Ber bera waxa uu kusoo hadal qaaday Xaalada Siyaada Soomaaliya iyo Xamar waxa ka taagan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin is jiid jiidka iyo ciidanka is haya,taas oo dad badan ay ku barakaceen maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ku eedeeyey Hogaamiyeyaasha Soomaalida kuwo dhibaato uhorseeday Shacabka.

Waxa uu sheegay in aysan taageereynin qax iyo qabiil la isku biiriyo isagoo dhaliilay Farmaajo in taasi ka dambeysay.

Mr Biixi ayaa sheegay in Khudbadii Xalay Farmaajo,jeediyey ay aheyd mid uusan marna dadka uu dhibaatada u horseeday raali gelin ka siinin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author