Dhageyso: Mooshinka xilka qaadista laga abaabulayo Axmed Qoor qoor

Sida la ogaaday Xogo hoose Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa abaabulaya Mooshin xilka qaadis ah oo la rabo in lagu sameeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Labo Maalin ka hor Qoor qoor waxa uu si cad uga hor yimid in Muddo kordhin la sameeyo Hay’adaha Federaalka Dalkana uu udiyaar garoobo Doorasho,waxaana hadalkaasi dhibsatay Villa Soomaaliya.

Hadalka Qoor qoor waxay sabab ka dhigtay in mooshin laga abaabulo iyadoo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo gadaal ka riixayaan sida la sheegay Madaxtooyada Soomaaliya ay mooshinkaasi diyaarintiisa wadaan.

Xubno katirsan Mas’uuliyiinta sar sare Galmudug ayaa looga yeeray Muqdisho kuwaas oo saacadaha soo socda soo gaari doona,xilli weli Qoor qoor kusugan yahay Muqdisho.

2-febraayo 2020-kii ayaa Axmed Cabdi Kaariye loo doortay Madaxweynaha Galmudug,xilligaasi oo doorasho aan dhib badan aheyn xilka ku helay,maadaama ay taageereysay Dawlada Dhexe,lamana oga waxa xigi doona mad madowga siyaasadeed ee hadda taagan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author