Dhageyso: Maxkamada Puntland Oo Shabkad Al shabaab ah Baaritaan ku heysa

Maxkamada darajada koobaad Ee Ciidamada Qalabka Sida iyo dambiyada Culus ee Gobollada Mudug iyo Ceyn Maamulka Puntland ayaa bilowday dhageysiga 5 Eedeysane oo katirsanaa Al shabaab,kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta Maamulkaasi soo eedeeyeen.

Shabkadaan Argagaxisada lagu sheegay ayaa la tilmaamay inay fuliyeen weeraro dilal iyo Qaraxyo ah,kuwaas oo qaarkood khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada darajada koobaad Ee Ciidamada Qalabka Sida iyo dambiyada Culus ee Gobollada Mudug iyo Ceyn Gaashaanle Cawil Warsame Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyey eeda loo heysto Shabkadaan Al Shabaabka ka tirsan.

Deegaanada Puntland waxaa dhowr jeer ka dhacay falal dilal iyo Qaraxyo ah,iyadoo la maxkamadeeyey shakhsiyaad lagu helay dembiyadaasi inay heysteen xukuno kala duwana lagu riday.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author