DHAGEYSO: Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday askar dil geystay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybteeda 27-aad ayaa xukuno kala duwan ku riday 3 askari oo loo haystay inay dileen dad shacab ah.

Dhageysiga gal dacwadeedkaan oo dhowrkii maalin lasoo dhaafay ka socotay Beled xaawo ayaa ugu dambeyn xukunka lagu riday.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybteeda 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen askartaan dacwadooda ka socotay Beled xaawo.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa hore sidaan oo xukuno kala duwan ugu riday Askar iyo Xubno katirsanaa Al Shabaab oo falal dambiyeed lagu helay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author