DHAGEYSO: Maxaa Ka Cusub Magaalada Kismaayo?

Waxaa Ciidamada Booliska Kismaayo ay wadaan Howlgalada lagu dhaqan gelinayo Bandowgii xilliga Habeenkii ah lagu soo rogay Magaaladaasi.

Booliska ayaa waxay habeen iyo maalin dadka ku cadaadinayaan qaadashada Af xirka si loo xakameeyo Caabuqa Safmarka ah Ee Covid19 oo aad dad badan usoo ritay Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay inta badan in la dhaqan geliyo Amarka Maamulka Jubbaland kasoo baxay ee xakameynta Cudurka Corono virus-ka.

Dad badan ayaa ugeeriyooday kuwo kalena hadda ayey la jiifaan Xanuunka Covid19 Gudaha Kismaayo,waxaana Caasimada Kumeel gaarka Jubbaland ay qeyb ka noqotay Meelaha ugu badan ee Cudurka sida aadka ah ugu faafay Labadii Isbuuc lasoo dhaafay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author