Dhageyso: Mas’uul katirsan DFS oo yiri “Beesha Caalamka ayaan Kasoo Horjeednaa”

Xilli ay Beesha Caalamka si cad udiiday muddo kordhinta Labo sano loo sameeyey Hay’adaha Federaalka,ayaa waxa arintaan dalka ay jawi kacsanaan ah ay gelisey.

General Cabdikiriin Cali Afrax oo ah Taliye kuxigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo maanta ka hadlayey Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali Karin Siyaasiyiin dalka uhorseedaya bur burin.

Waxa hadalkiisa laga dareemayey inuu ku dhego hadlayey Mucaaradka diidan Hanaanka Dawlada wax ku maamuleyso.

Hadalka Taliye kuxigeenka Asluubta ayaa kusoo beegmaya xilli ay saacadihii lasoo dhaafay Caasimadu ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda inkastoo waan waan la sameeyey lagu xakameeyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author