Dhageyso: Mareykanka oo mashruuc muhiim ah ka fuliyey HirShabelle

Hay’ada dhinaca gar gaarka ah ee Mareykanka USAID ayaa mashruuc lagu taageerayo kalluumeysatada ku dhaqan degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee gobolak Shabellaha dhexe waxay ugu yabooheen qaboojiyeyaal loogu talo galay inay ku keydiyaan Kalluunka ay soo jallaabtaan.

Gudoomiyaha Warsheekh Xasan Maxamed Axmed ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay adeegaan lasoo gaarsiiyey ee firinjiyeerada ah,taas oo ay kalluumeysatadu kaga maarmi doonaan culeys ka heystay meel ay wax ku keydiyaan.

Wakiilka Hay’ada USAID ee mashruucaan fulisey C/llaahi Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey waxay udooratay hay’ada in la gaarsiiyo deegaanadaan xeebta dhaca agabkaasi qaboojiyeyaasha ah ee Solarka loo adeegsanayo.

Ugu dambeyn Wasiirka Kalluumeysiga HirShabelle Iidle Siyaad khaliif ayaa hadal kooban ka jeediyey Munaasabadaasi.

You might also like More from author