Dhageyso: Mahdi Guuleed oo udigay Shaqaalaha Qaar Xukuumada

Abuukaato Mahdi Maxamed Guuleed Khaadar ayaa sheegay in loo baahan yahay dedaal lagu bixiyo kordhinta dhaqaalaha dalka soo gala halkii arimo aysan shaqo ku laheyn dadka qaar ku mashquuli lahaayeen.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada uga digay inay fal gal ku yeelan siyaasada ayna ku fara adeegaan Amniga haatan la heysto.

Waxa uu warkiisa umuuqday mid uu si sarbeeb ah uga hadlayey Xaaladaha ka jira Muqdisho iyadoo Mahdi Guuleed uu sheegay in hormar badan laga gaaray shaqooyinkii ay Wasaarada uu hogaaminayey Wasiir Oomaar qabatay mudadii uu xilka hayey.

Warkaan ayuu ka jeediyey Mahdi Guuleed Munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka Cusub Ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

You might also like More from author