DHAGEYSO: Madaxweyne Geelle “Illaaheey Baan Xarigiisa Heysanaa,codkana nasiiya”

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu ka hadlay Ololaha doorashada xilli uu ku jiray waxyaabaha uu rajeenayo Doorashada dhaceysa Isbuucaan dhamaadkiisa.

Gobolka Cali Sabiix ayuu dadweyne Badan kula hadlay,isagoo ku nuux nuuxsaday waxyaabaha ay ku guuleysteen,ballan qaad kalena sameeyey.

Madaxweyne Geelle ayaa hoosta ka xariiqay inay Dawlada soo kordhin doonto Mashaariicyo lagu daboolayo baahida dadka ay qabaan.

Jimcaha Isbuucaan ayaa waxa la filayaa in Jabuuti ka dhacdo Doorasho,xilli ay Xisbiyada Mucaaradka hore udiideen inay ka qeyb noqdaan Doorasho is caleemo saarid doonayo Geelle.

Muddo 30 sano ah ayuu Geelle soo hogaaminayaa Dalka Jabuuti,waxaana lagu sheegayaa mid ka mid ah Madaxda ugu wakhtiga dheer Qaarada Africa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author