DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo Muxuu ka og yahay Dhibaatada heysata Ciidamada Xooga dalka?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ayaa ka hadlay dhibaatooyinka heysta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan heysanin qalabkii loo baahnaa in ay ku dagaal galaan ,taasina ay tahay Dhibaato weyn oo hortaagan ciidamada Qalabka Sida.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu shalay khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

HALKAAN KA DHAGEYSO

You might also like More from author