DHAGEYSO: Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya oo si kulul uga hadlay Arinta C/kariin Qalbi Dhagax

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo la sheegay in dhowaan dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ,islamarkaana aysan jirin wax ka khuseeya dadka Soomaaliyeed, waxaana xusay in dambiyo kala duwan uu ka galay dhulka dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in arinta Qalbi Dhagax, ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya.

“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin degaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee kunool Soomaaliya laga doonaayo in ay ka banaanbaxaan dadka ay Al-Shabaab ku dilaan Muqdisho.

Waxaa uu xusay in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya.

“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu  halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author