DHAGEYSO: Lafta gareen oo Shariif & Murashaxiin kale la kulmay

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed & Kan HirShabelle ayaa siyaabo gooni gooni waxay xalay ugula kulmeen Muqdisho qaar katirsan Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha.

Waxay kawada hadleen dhinacyadaan sidii looga shaqeyn lahaa dalka oo la gaarsiiyo doorasho wadar ogol ah.

C/casiis Lafta gareen ayaa shariif Sheekh Axmed,C/raxmaan C/shakuur,Mustaf Dhuxuloow iyo Daahir Geelle kaga mahad celiyey doorka ay ka qaadanayaan sidii doorasho nabdoon loo gaarsiin lahaa Waddanka.

Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa dhankiisa waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran Sheekh Shariif iyagoo isla soo hadal qaaday shirka wadatashiga Qaran Ee Arimaha doorashada ee shalay ka furmay Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author