DHAGEYSO: Lafta gareen oo magacaabay guddi baaritaan sameeya

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa guddi kumeel gaar ah usaaray inay xog ka keenaan dilkii bishii hore Baydhabo loogu geystay labo carruur ah oo walaalo ahaa.

Madaxweynaha ayaa guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ka sugaya inay warbixin dhameystiran kasoo gudbiyaan qaabka loo fuliyey dilka carruurtaasi islamarkaana cadaalad la hor keeno gacan ku dhiiglayaasha.

Agaasimaha Warfaafinta Ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim ayaa ka waramaya Guddigaan la magacaabay.

8-dii bishii hore April ayaa labadaasi carruurta ahaa lagu dilay duleedka Baydhabo xubno ka mid ah jirkoodana lagala baxay,waxaana carruurtaasi dhalay Xildhibaan hore Dawlada Federaalka Aweys Sheekh C/llaahi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author