DHAGEYSO: Lafta gareen oo ballan qaad cajiib ah usameeyey ciidamada

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliyeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa ka hadlay Howlgalada Amni xaqiijinta ah ee Baydhabo laga sameenayo.

Lafta gareen oo kormeer ku tegay fadhiisimaha Ciidamada Ee Baydhabo ayaa sheegay in ay dalacsiin iyo abaal marino lasiin doono Askarta.

Waxa uu kaga mahad celiyey Booliska Baydhabo sida ay iskugu howleen wax ka qabashada Amniga inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan Ramadaan oo tobankii udambeeyey hadda laguda galay.

Baydhabo ayaa howlgalo isdaba joog ah laga sameenayey Xaafadaha Magaaladaasi xilliyada Habeenkii ah taas oo nabad gelyada lagu sugayey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author