DHAGEYSO: Kenya Oo Xubin Ku Yeelatay Garsoorka sare Maxkamada ICJ

Madaxweyne kuxigeenka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobeey Danjire Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa ka hadlay marxaladaha uu soo maray Dhageysiga Dacwada Badda Ee Soomaaliya Qareenadeeda hadal jeedinta qaateen Isbuucii Hore.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in Kenya aysan hadda qiil uheysan mar marsiyada ay keentay in aysan udiyaar garoobin Dacwada Badda.

Waxa uu Sheegay Danjiraha in xitaa Kenya loo ogolaaday Xubin Dheeraad ah oo garsoorka Maxkamada go’aanada gaaraya oo hore u ahaa 15 Balse 16 laga dhigay.

Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa ka jawaabay dhaliisha Xukuumada Nairobi ka qabto Garsoore Cabdi Qawi oo Asal Ahaan Soomaali ah,balse iyadu Nin Udhashay Faransiiska ay soo xulatay oo garsoorka Maxkamada ICJ loogu daray.

Sidoo kale Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in Awoodii Soomaaliya soo laabatay marka loo eego kulamada Caalamiga ah iyo talo gudbinta oo ay door leedahay.

Dawlada Kenya ayaa gudbineysa sida ay sheegtay Dacwad Golaha Amaanka Qaramada Midoobeey si Kiiska ICJ hadda horyaalla weji kale lagu xaliyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author