DHAGEYSO: Kenya Oo Mideysay Waddaniyadii Dadka Soomaaliyeed

Dawlada Kenya ayaa la sheegay inay kiiska dacwada Badda awgeed mideysay qabkii Soomaalida islamarkaana waddaniyadii dadka ay dib usoo laabatay.

Dad badan ayaa u arka in ay Adeegsiga “Dhulkeena,Baddeena,Waddankeena” ay ka dhigan tahay in Waddaniyad baaba’day dib loo soo nooleeyey.

Khudbad uu jeediyey Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay sida dhinacyada Siyaasiyiinta iyo Shacabka ay hadda hal wado isku raaceen oo kusaabsan waddaniyadii iyo in hal mowqif la qaatay.

Sheekha Ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Kiiska Badda awgeed keliya la isku raacin Waddaniyada balse ay dadka iska tuuraan wax kasta oo dib udhac keeni kara.

Soomaaliya ayaa udhaw inay hesho guusha ku aadan go’aamida ama xukmida Kiiska Badda ee Nagala dhaxeysa Kenya oo hadda la sugayo ICJ iyo waxay kasoo saarto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author