DHAGEYSO: Kenya Oo Laga Diiday In Ay Xirto Xeryaha Dhadhaab

Dawlada Kenya ayaa shalay Arbacadii waxay amartay in la xiro Dhadhaab oo Kumanaan Qaxooti ah ay ku nool yihiin,taas oo fal celin badan ka timid.

Si Faah faahsan uma aysan sheegin Dawlada Kenya waxay uqaadatay go’aanka Xerada Dhadhaab iyo Kaakumo Albaabada iskugu dhufaneyso.

Xildhibaan Maxamed Daahiye Cumar oo laga soo doorto Gobolka Wuqooyi Bari Kenya,ayaa sheegay in sharciyada Caalamiga ee Qaxootiga ka hor imaaneyso hadii Kenya Go’aankeeda ku adkeysato.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Qof Qaxooti ah aan qasab loogu celin karin meeshii uu ka yimid iyadoo si maldahan usheegay in Dhadhaab xiritaankeeda aysan sahal noqon doonin.

Xeryaha Qaxootiga Kenya oo Nus milyan dad kabadan ku nool yihiin ayaa waxa ku jira dad meesha ku dhashay,Ku guursaday oo ku ilmo dhalay sanado badana halkaasi ku noolaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author