DHAGEYSO: K/galbeed oo eedeyn ujeedisey Dawlada Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowlad gobaleedka Koonfur galbeed somaaliya Maxamed Yuusuf Xasan oo saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa ku dhaleeceeyey Wasaarada Waxbarashada Dawlada dhexe mid iyada go’aan iskeed ah uga gaartay Arinta Imtixaanaadka.

Waxa uu sheegay Wasiir Yuusuf in wax wadatashi ah lagala sameyn imtixaanka Ardayda Dugsiga sare wax ka barta deegaanka Ceelasha Biyaha oo loo wareejiyey Degmada Afgooye.

Todobaadka Dambe ayey Imtixaanka Fasalka 12aad Ee Dugsiga sare galayaan Ardayda,waxaana Koonfur Galbeed Wasaaradeeda Waxbarashada ay jawaab waafi ah ka sugeysaa Wasaarada Waxbarashada dawlada Soomaaliya oo ay arinta Deegaanka ceelasha Biyaha weli ku qancin sida loo maareeyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author