DHAGEYSO: Jubbaland Oo R/wasaare Rooble hordhigtay Shuruud Culus

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Sheekh Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inaysan weli ku qanacsaneyn Hanaanka Villa Somaaliya ugu wareejisey Howlaha Doorashada Ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa uu hoos udhigay qorshahaasi inuusan aheyn mid dhameystiran sidaasna aan lagu aadi Karin doorashada,sida uu warka udhigay Wasiir Cabdi Xuseen.

Sidoo kale Jubbaland ayaa waxay shuruud ku xirtay ka hor Shirka Doorashada looga hadlayo in Amniga laga shaqeeyo Muqdisho iyo Arinta Gobolka Gedo oo Ciidamadii loo daabulay laga soo celiyo.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo lagu wareejiyey Howlaha Doorashada iyo Amniga ayaa rajeynaya in shir wadatashi ah iskugu yeero dhawaan Dawlad gobolleedyada & Gobolka Banaadir si loo dar dar geliyo dhaqan gelida Heshiiskii la gaaray 17-kii September.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author