DHAGEYSO: Jubbaland Oo Amar dul dhigtay Shirkadaha & Hay’adaha

Wareegto kasoo baxday Maamulka Jubbaland ayaa amar culus la dul dhigay Bulshada ku dhaqan deegaanadaasi,si loo xakameeyo Cudurka Covid 19.

Madaxweyne kuxigeenka koobaad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo saaray wareegtadaan kadib markii ay korortay dadka u dhimanaya Caabuqa Coronovirus-ka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Amarka lasoo saaray la dhaqan gelin doono,qofkii ku xad gudbana sharciga la marin doono.

Wasiirku waxa uu faray Shirkadaha ka howlgala Jubbaland inay dhimis ku sameeyaan shaqaalahooda si loo xakameeyo faafida Covid19.

Maalmihii dambe Kismaayo waxa laga diin waan geliyey dad badan oo cudurka corono udhintay iyo qaar kale oo iminka la tacaalaya xanuunkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author