DHAGEYSO: Jubbaland Oo 4 Milyan Dollar Ka Heshay Xafiiska UNSOM

Madaxweyne Kuxigeenka Koobaad Ee Dawlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay gudoomeen Lacag gaareysa Afar Milyan Dollarka Mareykanka.

Dhaqaalahaasi ayaa ka timid Xafiiska UNSOM kaas oo loogu talo galay wax ka qabashada Xaalada Abaareed iyo tan Caabuqa Covid19 Ee Deegaanada Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo ka furayaan Xarun weyn oo noqon doonta Buqcada laga duulo xilliga gurmadka Abaaraha la sameenayo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland inay Ceel waaq u igmadeen maadaama bar muhiim ah ku taalla oo Deegaanada Jubbooyinka looga wada adeegi doono xarunta la sameyn doono.

Xubno uu hogaaminayey Kuxigeenka Wakiilka QM Ee Arimaha Soomaaliya Aadan Cabdi Mawlaa ayaa shalay tegay Kismaayo,iyagoo Lacagta Afarta Milyan Dollar ku wareejiyey Maamulka Jubbaland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author