DHAGEYSO: HirShabelle Oo Ka faa’iideysaneysa Mashruuc Ay wado Hay’ada FAO

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Beeraha HirShabelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in Hay’ada FAO Ee Qaramada Midoobeey ka taageereyso Mashaariic laga fulinayo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiir Daqare ayaa hoosta ka xariiqay in Shan Kanaal Dib uqodis lagu sameenayo Tuulooyin Hoostaga Magaalada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle.

Wasaarada Beeraha Maamulkaasi waxay sheegtay in tani ay uga goleeyihiin yareynta fatahaada uu sameeyo webiga Shabelle taas oo Kanaal Qodista ay sahli karto in beeraleyda Laga bad baadiyo Biyo ku rogmada.

Inta badan waxaa kusoo laab laabtay deegaanada Webiga Shabelle ka maro Hiiraan & Shabellaha Dhexe Fataaho dad iyo duunyo saameyey,Dallagyada Beerahana baa’in ku sameeyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author