DHAGEYSO: Haramacad Oo Jowhar ku dilay saaka Qof Shacab Ah

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in howlgal ballaaran ciidamada Amaanka saaka ka sameeyeen xaafadaha qaar Magaaladaasi.

Waxa la sheegay in howlgalka lagu baadi goobayey maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo xubno katirsan Al Shabaab.

Xaafada Buula makiino ayaa ciidamada Haramacad waxay ku toogteen qof maskaxda ka xanuunsanaa.

Sidoo kale wararka lasoo tebinayo ayaa sheegaya in banaanbax dad ka careysnaa dilkaasi ay ka dhigeen Magaalada balse ciidamada Booliska ayaa kala ceeriyey dadka isku soo baxay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author