DHAGEYSO: Hal Arin oo ku Cadeyneysa in ONLF aysan Al Qaacida aheyn

Waxaa isasoo taraya ka hadalka Go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka ONLF, oo ay ku sheegtay in uu xiriir la’lahaa Al-Shabaab Itoobiyana ay ku wareejisay.

Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare  ayaa sheegay hal arin oo cadeyneysa in Ururka ONLF aysan aheyn urur argagaxiso ah,warka dowladda kaas oo baxana uu yahay mid aan wxba ka jirin.

“ONLG, maahan argagaxiso waa Shacab xurnimo doon ah, oo gadoodsan, mahan Alqaacida iyo qulyaha wax qarbuda isma qarxiyaan anaga wax nooma dhimaan iyo waliba Caalamka ayuu yiri Senator Axmed Xaashi”

Waxa uu sheegay in ONLF, ay tahay dad doonaya wax uga maqan sisharcidaro ah,balse aan ku wanagsaneyn in lagu tilmaamo argagaxiso sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author