Dhageyso: Galmudug & Puntland Oo heshiis Kala Saxiixday

Heshiiskaan oo ahaa mid amniga quseeya ayaa waxa kala saxiixday Wasiirada Amniga Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulanka heshiiska lagu gaaray ayaa lagu faaqiday sida ugu macquulsan ay wada shaqeynta usii xoojin karaan Labada Maamul.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in iskaashigaan ay la gaareen Puntland uu wiiqi doono Awooda Al Shabaab iyo in laga hortego weerarada ay ka fuliyaan Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa dhankiisa sheegay in kasokoow heshiiska amni ay bar bar socoto sidii looga shaqeyn lahaa dhaqan gelida heshiis la dhex dhigay Beelo ku dagaalamay dhawaan Galbeedka Gobolka Mudug.

Puntland iyo Galmudug ayaa wadaaga maamulida Gobolka Mudug oo labada dhinac uqeybsan,iyadoo dhowr jeer wada shaqeyn ganacsi iyo mid amni ay yeesheen.

You might also like More from author