DHAGEYSO: Gaalkacyo Xiisad ka taagan oo Taliye Kaniif Loo Diray xalinteeda

Saraakiil Katirsan Booliska Soomaaliya ayaa Gaalkacyo utegay daminta xiisad ka dhalatay Dil maalmo ka hor loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax oo caan ka ahaa Gobolka Mudug.

Taliye kuxigeenka Booliska Dawlada federaalka C/llaahi Cusmaan Kaniif iyo Saraakiil kale ayaa hadda ka wada Gaalkacyo kulamo ku aadan joojinta xasaradaasi.

Dadyoow ka carooday Dilka Sheekh Cali ayaa Banaanbax ka dhigayey saacadihii lasoo dhaafay gaalkacyo,waxaana Madaxweyne Qoor qoor uu qeyb ka qaadanayaan sidii Cadaalada loo horkeeni lahaa gacan ku dhiiglayaasha.

Marxuumka la dilay ayaa waxa la sheegay in dilkiisa aano qabiil salka ku hayo,iyadoo Taliska Booliska Galmudug iyo Kan federaalka ay ku bixinayaan wakhti sidii Xiisadaasi loo joojin lahaa.

Deegaano katirsan Galmudug waxaa kusoo laab laabtay dilalka beelaha ay Aanada qabiilka isku beegsanayaan,iyadoo dhowr jeer la xaliyey colaado jiray balse weli dilalka ayaa halkoodii kasii socda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author