DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo weerar Shabaab ay ku qaadeen Boosaaso
Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Bar-Kontarool oo Ciidamada amaanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeya Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamo ka tirsan Difaaca Puntland,waxaana ugu danbeyn Ciidamada Puntland ay u suurta gashay iney dib u celiyaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Mid ka mid ah Wariyaasha ku sugan magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyay khaasaraha ka dhashay dagaalka.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO