DHAGEYSO: DF Maxay ka yeelaysaa Heshiisyadii ay Gashay dowladdii Xasan Sheekh?

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ay ku sameyn doonto dhammaan Heshiisyadii ay gashay dowladdii Hore.

Wasiirka ayaa sheegay in Heshiisyadaasi lagu sameyn doonto qabyo tir,islamarkaana la waafajin doono Sharciyadda u yaalla dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamtay in heshiisyaddaasi qaarkood ay suurtagal tahay in aysan waafaqsaneyn Shuruucda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegtay ka dib markii ay wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi oo gacanta loo galiyay dowladda Itoobiya.

Waxaana Xukuumadda ay sheegtay in Wareejinta ay ku timid heshiisyo ay horay u gashay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author